Raโiisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Saalax Jaamac, ayaa xilalka u kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag iyo ku-simihii Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali (Xagaa).
Raโiisul Wasaare ku-xigeenka oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda amnigu ay kamid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, sidaas awgeedna loogu dhiibay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh, isaga oo intaas ku daray in laga sugayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ammaan ah oo ka caaggan argagixisada.
Mudane Saalax ayaa xusay in qori kaliya aan lagu sugi karin amniga dalka oo loo baahan yahay in la xoojiyo heyโadaha sirdoonka iyo caddaaladda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata sugidda amniga Qaranka.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Xildhibaanno, Agaasimaha Heyโadda NISA, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimeyaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda.