Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, mudane. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada mudane Caydaruus Macalin iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan galinta Qaranka (NIRA)
Socdaalkaan ayaa la xiriiray xog-waraysi, isbarasho iyo kormeer ku saabsan hanaanka iyo habsami u socodka shaqada diiwaangelinta Dadweynaha.
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa sheegay in shaqo dardar leh ay qabteen muddadii yareyd ee ay Hay’addu jirtay.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali ayaa Maamulka Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka ku ammaaanay shaqada wanagsan ee ay u hayaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiirku sheegay inay dardar galinayaan sidii Kaarka Aqoonsiga loo gaar siin lahaa guud ahaan Dalka si muwaadin kasta ay ugu sahlanaato qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka.