Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir Xasan Cali Xasan oo aan goordhow khadka taleefanka kula xariiray ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in deegaanka Ceeldibir iyo tuulooyinka hoostaga uu ka jiro xanuunka Jadeecada uuna soo ritay carruur aad u da’yar, ย kuwaa oo uu sheegay in lagula tacaalayo isbitaalka deegaanka Ceeldibir
Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir Xasan Cali Xasan ayaa dhinaca kale sheegay in adeegyada caafimaadka ee ka jira deegaankai aysan aheyn kuwa dabooli kara baahida adeega caafimaad ay u qabaan bulshada deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga, taasina ay keeni karto in ay dhibaatooyin ka dhashaan haddii ay xaaladdu sidaan sii ahaato
Ugu danbeyna Guddoomiye Xasan Cali Xasan ayaa codsi u diray Wasaaradaha Caafimaadka heer Federaal iyo heer dowlad Gobaleed, ย maamulka Gobalka Mudug iyo Hay’addaha ka shaqeeya adeega Caafimaadka, ย isagoo ka codsaday in loo soo gurmado carruurta uu soo ritay xanuunka Jadeecada ee ka dilaacay Ceeldibir iyo deegaanada hoostaga