Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaara kaasi oo looga hadlayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan hab cusub oo ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso mas’uuliyadda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada.
Mudane Xamsa ayaa ku tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in dowladdu yeelato awoodda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada, iyadoo la fulinayo heshiiskii ay dowladdu la gashay Hay’adaha caalamiga ah.