Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Nabad Sugidda Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Taliyaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Sidoo kale, Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Sirdoonka Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageerta dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaajita ah iyo dhinacyo kale oo badan.