Sunday, October 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

Ali Ahmed by Ali Ahmed
1 year ago
in Wararka
0
Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa  ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda.

3-da May waa maalin caalami ah oo loo aqoonsaday xoriyadda saxaafadda ,iyadoo la eegayo baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul  Insaanka,gaar ahaan qodobka 19-aad  ee soo baxay 1948-dii,kaas oo dhigaya ilaalinta xaqa ay dadku u leeyihiin Xorriyatul-qawlka.

Related posts

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

October 26, 2025
Wasiirka Dekadaha XFS oo kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ka bilaabay Bakool

Wasiirka Dekadaha XFS oo kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ka bilaabay Bakool

October 26, 2025

Ujeedka guud ee xuskaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda xorriyadda saxaafadda iyo in dawladaha la xasuusiyo waajibaadka ka saaran dhawrista iyo ixtiraamka saxaafiyiinta.

Iyadoo laga ambaqaadayo kaalinta dowladaha ee ay ku leetihiin badqabka saxaafiga, sanad kasta waxaa la qabtaa shir ay soo abaabulaan hey’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ,kaas oo looga hadlo qodobo la xiriira xorriyadda saxaafadda, gaat ahaan maamul-wanaagga, , isla xisaabtan la’aanta iyo doorka warbaahinta ay ku leeyihiin  la shaqeynta dalalka ka soo kabanaya colaadaha.

Labaatankii sano ee u dambeeyay warbaahinta dunida  waxay ku tallaabsatay  horumar ballaaran,kadib kolkii,isbadallo horumarsan lagu soo kordhiyay qalabka loo adeegsado saxaafadda,taasina waxa ay dhiirigalisay  in uu xoogaysto tartanka ganacsi ee  dhanka warbaahinta ah.

Haddaba,Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo mabd’a ahaan ka dhigan in si wadajir ah codka iyo ra’yiga loogu gudbiyo nuucyada warbaahinta wax daabaca iyo kuwa kale ee elektarooniga ah.

Xuska munaasabaddaan,waa mid loogu talagalay in lagu eego horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen suxuufiyiinta iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ka soo hooyeen meelmarinta nidaamka shaqo ee ay u hayaan bulshada.

Saxaafadda waa muraayad laga  daawado horumarka dalka,sidaad daraadeed, warbaahinta Soomaaliya ee ka howlgasha gudaha,waxaa sanadihii u dambeeyay ay ka qeybgaleen dadaalada hordhaca ah ee loo galay geedi socodka nabadda ,dhismaha dalka iyo rajo soo celinta umadda.

Horumarka wanaagsan ee xilligaan ka muuqda  saxaafadda Soomaaliya, ,waxa uu saaciday in bulshada Soomaaliya, ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilo madaxda iyo hogaamiyaasha dalka.

 In lagu shaqeeyo dhexdhexaadnimo waa sida kaliya ee lagu ilaalin karo xoriyadda saxaafadda,waxaana waajib ah in Suxuufiga waxa uu gudbinaayo uu ku eego isha dhabta ah,si meesha looga saaro is-qabqabsi iyo hoos u  dhac kale oo wiiqa shaqadii warbaahinta .

Ogoow saxaafaddu waa  adeeg loo isticmaali karo  laba waji ,cid ayaad ku dulmin kartaa, marna wax ayaad ku dhisi kartaa ,sidaa aawadeed.ha ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Isku day in aad u hiiliso cid kasta o u taagan dhismaha dowlad xilkeedu yahay soo celinta amniga iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka,kana fogoow   in aad qeyb ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda ama dhinacyada kale ee ishaya.

Si loo gaaro xoriyad buuxda oo dhanka saxaafadda ah,waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.

Anagoo ka faa’ideysaneya fursadda munaaasabaddaan ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u direynaa suxuufiyiinta caalamka,gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ka howlgala qeybaha warbaahinta dalka.

Gabagabadii,waxaan u rajeyneynaa shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.

SONNA

Previous Post

Turkiga oo hakiyay dhammaan ganacsigii uu la lahaa Israa’iil

Next Post

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS oo Riyadh kaga qeybgalay shirka Beeraha ee wadamadda Carabta

Next Post
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS oo Riyadh kaga qeybgalay shirka Beeraha ee wadamadda Carabta

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS oo Riyadh kaga qeybgalay shirka Beeraha ee wadamadda Carabta

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

Tababar Ku Saabsan Ka Hortagga Wararka Been Abuurka Ah Oo Suxufiyiin Soomaaliyeed Looga Furay Muqdisho

October 26, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, ayaa tababar...

Wasiirka Dekadaha XFS oo kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ka bilaabay Bakool

Wasiirka Dekadaha XFS oo kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ka bilaabay Bakool

October 26, 2025
0

R ADIO MUQDISHO:-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulamo wadatashi iyo wacyigelin ah ka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Kigali-Rwanda):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In