Wasiirka Shaqada XFS Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labadii samo ee u dambeeyay ay dowladdu xoogga saartay Sidii loo sameyn lahaa shaqo abuur ay inta badan ka faa’ideysteen dhallinyarada wax baratay ee ku sugan dalka.
“Kawarheynta Shaqaalaha Soomaaliyeed dowladda waxay u tahay mid ahmiyad gaar ah u leh,sidaa daraadeed waa muhiim in kor loo qaado aqoonta iyo tababaridda shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirku.
Wasiir Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa xusay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dabasocod joogto ah, tababar joogto ah,ja warqab joogto aj iyo tirokoob joogto ah si looga miro dhaliyo ayuu yiri hadafka ama qorshaha dowladda ee ku aadan xaaladaha shaqaalaha.