Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa xoogga ku saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka, iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dalkaas Mudane Rigathi Gachagua, ayaa ahaa mid daba-socday heshiisyadii ay shalay wada gaareen labada dal.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeeyay sida wadahadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Ra’iisul Wasaaruhu saameynta taban ee isbeddelka cimilada oo labada dalba saameeyay, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Mudane Rigathi Gachagua, ayaa yeeshay kulan gaar ah oo lagu xoojinayey xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

Previous Post

Wasiirka Isgaarsiinta oo la kulmay Sii-hayaha Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka

Guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In