Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabo gabeysay dhageysiga kiisa Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in gubay xaaskiisa.
Fadhiga maanta ayaa ah kii ugu dambeeyay ee dhageysiga kiiskan, waxaana fadhigii hore maxkamadda la horkeenay marqaatiyaal iyo muqaalo laga duubay guriga Marxuumadda lagu gubay, iyadoo sidoo kale isla maanta Maxkamadda la horkeenay marqaatiyaal kale.
Ehelka labada dhinac iyo Dadweyne ayaa goobjoog ka ahaa dhageysiga Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir, waxaana ay Maxkamadda mudeysay xiliga lagu dhawaaqayo xukunka Maxkamadda.
Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa kal hore dil toogasho ku xukuntay Sayid Cali, taasi oo keentay in racfaan ay ka qaataan ehelada Sayid Cali, waxaana iminka laga dhowrsugayaa xukunka Maxkamadda Racfaanka.