Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Manama ee dalka Baxrayn, Ra’iisul Wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Axmed Cabdallah Al-Ahmad Al-Sabaax.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga ku saleysan walaaltinimada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait.