Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Fiqi oo soo bandhigay nidaam cusub oo sare loogu qaadayo wax-qabadka Wasaaradda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir Fiqi oo soo bandhigay nidaam cusub oo sare loogu qaadayo wax-qabadka Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daaha ka qaaday nidaam cusub oo “degital” ah oo howlaha Wasaaradda lagu casriyaynayo, isagoo sheegay in nidaamka cusub uu kordhin doono wax-qabadka, hufnaanta shaqada, bixinta adeegyada iyo sidoo kale la socodka iyo raad-raaca.

Qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa waxa ay soo bandhigeen aragtiyo si loo hubiyo waxtarka nidaamka iyo dhammaystirkiisa si uu aas’aas ugu noqdo gaaridda horumar istiraatiijiyadeed.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyay in nidaamkani uu casriyaynayo howlaha shaqada, sarena uu u qaadayo howl-gudashada, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in uu wax ka taro geedi socodka mustaqbaleed ee Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo taageeraya aragtida Wasiir Axmed Fiqi, ayaa iftiimiyay kaalinta muhiimka ah ee nidaamka cusub uu ka qaadan karo xoojinta daahfurnaanta iyo waxtarka shaqooyinka kala duwan ee waaxyaha.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la gaaro horumar la taaban karo, iyadoo la hiigsanayo aragti cad oo mustaqbal leh, si hore loogu dhaqaajiyo Wasaaradda, loona qaato fikrado la jaan-qaadaysa teknoolojiyadaha cusub, lana taabageliyo tub hore-u-socod leh.









Previous Post

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan wacyigelin ah la qaatay guddi Kalluumeysato ah

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kormeeray faraca Jaamacadda Ummadda ee Caabudwaaq

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kormeeray faraca Jaamacadda Ummadda ee Caabudwaaq

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kormeeray faraca Jaamacadda Ummadda ee Caabudwaaq

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In