Wednesday, July 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka hab-maamulka baasaboorrada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka hab-maamulka baasaboorrada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed oo qaabilay, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa kala hadlay istiraatiijiyado sare u qaadaya isku-xirnaanta, wadashaqaynta iyo dardargelinta dadaalka wadajirka ah ee lagu fududeynayo bixinta adeegyo u qalma muwaadiniinta.

Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray waxaa lagu qaadaa-dhigay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida maamulka baasaboorrada dowladda si gaar ah baasaboorrada shaqaalaha (service) iyo diblomaasiga (diplomatic), iyo suuragelnimada in hab dijitaal oo casri ah si wadajir ah labada dhinac ugala socon karaan shixnadaha baasaboor kahor daabacaaddooda, iyadoo la adkaynayo dhaqangelinta sharciyada iyo xeer-hoosaadyada socdaalka la xiriira.

Related posts

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

July 28, 2026
Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

July 28, 2026

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay ka howlgalidda iyo la falgalka dalabaadka baasaboorrada ee ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo buuxinaya dhammaan shuruudaha , lana dedejiyo daabicidda baasaboorrada si looga fogaado dib u dhac iyo habac ku yimaada shaqada.

Previous Post

Ciidamada Booliska oo xoojiyay sugidda amniga Caasimada

Next Post

FM Receives Immigration Director General to Address Passport Management Strategies

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka hab-maamulka baasaboorrada

FM Receives Immigration Director General to Address Passport Management Strategies

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

July 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo uu wehliyo Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Mukhtaar Mahad...

Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

July 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan laba geesood ah...

Soomaaliya iyo Rwanda oo Xoojinaya Xiriirka  Diblomaasiyadda

Soomaaliya iyo Rwanda oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadda

July 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa kulan laba geesood ah...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo Wadahadal dhanka Taleefanka la Yeeshay Dhiggiisa Dalka Urdun

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo Wadahadal dhanka Taleefanka la Yeeshay Dhiggiisa Dalka Urdun

July 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta wadahadal dhinaca taleefanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In