Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Siihayaha Safaaradda Liibiya xoojinta xiriirka labada dal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 28, 2024
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Siihayaha Safaaradda Liibiya xoojinta xiriirka labada dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Siihayaha Safaaradda Dowladda Liibiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Nasr Mohamed Assanosi, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya.

Intii lagu gudo-jiray kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah, waxaa si gaar ah diiradda lagu saaray arrinta muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, tallaabooyinka lama huraanka ah ee lagu hagaajin karo xaaladdooda nololeed, bedqabkooda, ilaalintooda iyo u fududeynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee danaynaysa inay si iskood ah oo nabad-qab ah ay dib ugu soo guryo-noqdaan dalka, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasad iyo ammaan ee Liibiya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

Previous Post

Hay’adda SoDMA iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay dardar gelinta howlaha Beni’aadannimada Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Kalluumaysiya XFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Next Post
Wasiirka Kalluumaysiya XFS iyo wafdi uu hogaaminayo  oo gaaray Dhuusamareeb

Wasiirka Kalluumaysiya XFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In