Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kormeer ku tagay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kormeer ku tagay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul WasaarAha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah. Isla markaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare, oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar ee maalgelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaas oo u huray naftooda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, isla markaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi, si loo helo maalgashigana ay lagama maarmaan tahay in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada.

Kormeerkan oo Ra’iisul Wasaaraha ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Dowladda Qatar. Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xiraya Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay dadka Baraha Bulshada uga xad-gudbaan sharciyada dalka

Next Post

Madax katirsan Hay’adda Socdaalka oo ka qeybgalay Shirka looga hadlayay hormarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Next Post
Madax katirsan Hay’adda Socdaalka oo ka qeybgalay Shirka looga hadlayay hormarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Madax katirsan Hay'adda Socdaalka oo ka qeybgalay Shirka looga hadlayay hormarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

July 14, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, paid a condolence visit to the Embassy of the State...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In