Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay dadka Baraha Bulshada uga xad-gudbaan sharciyada dalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay dadka Baraha Bulshada uga xad-gudbaan sharciyada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala barah bulshada ee ku soo gudubiya waxayaabahaa liidiga ku ah xeerarka dalka u yaalah iyo qawaaniinta ay hoosta ka xariiqay in ay dowaadda Soomaaliya marnaa raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulsada iyo abuurada dhaqanka nuucaas ah.

”Dalkaan muddooyinkii ugu danbeysay xoriyaadda hadalka waxaa u ka joogay meel wanaagsan,qof maanta cabsi darteed awoodi wayay in u  gudbiyo fariin u doonayay oo sax ah,sharcigana waafaqsan in u jiro umalayn maayo sidan Aaminsanahay,Mabda’a xuquuqul Insanka iyo xorriyadda hadalka halkaas ayuu naga yaalla,waana lama taabtaan,dastuurka iyo sharuucda dalka ayey ku qoraantahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

Sidoo kale Al-Cadaala  ayaa sheegay in dadka baraha bulshadda ka hadal ee dhanka qaldan u isticmaala ay saameyeen wacyi-galinta bulshada ,waxaan la arkaya Idaacaddo ay ka socdaan gabar qori sidata oo ku hanjabaysa in ay 200 oo dad ah dilayso,waxaa nuucaas ah Anshaxa iyo xeerarka Saxaafadda midna ma ogola mana sameyn kartida ayuu yiri Al-Cadaala oo hadalkiisa si wata,waana in aan kala saarno wixii anshaxa saxafadda caalamiga ah ay isla aqoonsan yihiin iyo in aan ilaalino xorriyadda hadalkana,dadka ay dowladda xirtay waxay ku kaceen wax ka baxsan xorriyada hadalka,anshaxa,Islaamnida,dhaqanka ummaddeed ka soo horjeeda ayeey ku kaceen,sharciga ayaana la geyn doona”.

Dhanka kale Wasiirka Wasaardda Awqaafta iyo Arrimaha diinta mudane Mukhtaar Roobow Cali iyo qaar ka mid ah Culuma u-diinka,ayaa si kuluul uga hadlay saameynta si xun u isticmaalida baraha bulshada loogu soo gudbiyo waxyaabo aysan  Diinta Islaamka iyo Shaceerda raalli ka ahayn in bulshada lala wadaaggo.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo ka mid ah culima u-diinka,ayaa fariin u diray bulshada uguna baaqay in ay ka waan toobaan waxyaabaha aan habooneyn in bulshada lala wadaaggo loona baahan yahay in laga fiirsado kalmadaha lagu hadlayo oo looga turo dadka Islaamka ah,loona ilaaliyo akhlaaqdooda, Anshaxooda iyo Midnimadooda bulsho,dadka waxgaradka ah in ay ka qaataan door muhiim ah ilaalinta iyo isku haynta Ummadda,dhanka kale waxaa ay intaas ku dareen in dadka u xusul duubay in ay dadka kala geeyaan aan loo dulqaadan karin.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri, “Sababta aan xoogga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada,waa inaan aamisanahay in Asaluubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada,waana qeyb kamid ah shaqooyinka ciidanka booliiska Soomaaliyeed,sidaas darteed waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda,waana in ay la xisaabtamaan,kalana shaqeeyaan booliska sidii loo suuli lahaa falalka anshax-darrada ah.”

Warkaan,ayaa ku soo daaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay booliska Soomaaliya xabsiga dhigeen dhallinyaro baraha bulshada ku faafi jirtay aflagaado,anshax-xumo iyo kicin dadweyne,waxaana ugu dambeeyey Asmar Daahir Faarax oo caawa lagu xiray saldhigga degmada Hodan,kadib markii uu muuqaal anshax-xumo ah ku faafiyey baraha bulshada.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulamo kala gadisan la qaatay Madaxda Dowladdaha UK, Norway, Netherlands

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kormeer ku tagay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kormeer ku tagay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

Ra'iisul Wasaare Xamse oo Kormeer ku tagay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In