Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa Shaacisay xilliga u si rasmi ah u furmayo qorshaha lagu galayo Imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka ,waxaana la gali doonaa 22-ka bisha June,2024.
Tiradda ardayda la filayo in ay ka qeyb-galaan Imtaxaanka Qaranka ee dugsiyada sare ayey Wasaaradda Waxbarashada ku sheegtay Sanadkaan inay yihiin 37200 oo arday ay u qorsheysay in ay u fariistaan Imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka sida u qorshahu yahay.
Imtaxaanka, ayaa furmaya 22-ka bishaan June ee aan ku guda jirno sida ay u xaqiijisay Warbaahinta Qaranka Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, iyadoo hoosta ka xariiqday in Sannadkaan ay Wasaaradda Waxbarashada Isbadal ay ku sameysay habka loo qaadayo Imtaxaanka,lana adkeyay Sharuucda qaadista Imtaxaanka,iyadoo intaas ku dartay in goobo horle markii ugu horeysay lagu qabanayo Imtaxaanka Dowladda oo ay ka mid yihiin deegaanadda laga xoreyay Khawaajirta.
โImtaxaanku wuxuu bilaabanayaa dabayaaqada bishaan June oo ku beeggan 22-keeda bisha lixaad ee sannadka 2024,sannadkaan waxaa ka qeyb -gali doona 37200 oo arday oo guud ahaan dalka oo dhan ah,wasaaradda waxaa masuuliyad ay ka saaran tahay in ay diyaariso Imtaxaanka oo ay ku gaarsiiso si nabad ah,goobihii Imtaxaanadka lagu galayo ee dalka oo dhan ah,gobolka Banaadir iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.โ