Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bandhig ku saabsan dhaqanka iyo hidaha oo lagu qabtay Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Bandhig ku saabsan dhaqanka iyo hidaha oo lagu qabtay Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta lagu qabtay Madxafka Qaranka ee dalka Kenya maalinta dabaaldegga Dhaqanka iyo Hidaha. Dhaqamadii lagu soo bandhigay madasha waxaa ka mid ahaa taariikhda, dhaqanka iyo Hidaha Soomaaliya.

Bandhigga dhaqanka maanta waxaa iska kaalmeystay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, xarunta cilibaarista, Dhaqanka ee Aw-Jamac Cumar iyo Madxafka Qaranka ee dalka Kenya.

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo khudbad ka jeediyay xafladii maanta ayaa ku dheeraaday taariikhda dhaqanka Soomaaliya iyo taariikhda kala duwan ee uu soo maray.

Safiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay xarunta Aw Jama Cumar oo soo abaabushay, soona bandhigtay dhaqanka iyo hidaha ay caanka ku yihiin dadka Soomaaliyeed.

Dadka ka soo qaybgalay kulankii xafladda ayaa soo dhaweeyay bandhigga dhaqanka Soomaalida.

Dhanka kale, Labo asbuuc ka dib ayaa la filayaa in bandhig farshaxameed casri ah iyo mid dhaqan lagu soo bandhigo Madxafka Qaranka ee Kenya, kaas oo la filayo in ay u soo daawasho tagaan kumaanan kun oo qof.

Furitaanka Bandhiggaan ayaa lagu soo beegay todobaadk xoriyadda ee Soomaaliya, waxa uuna furmi doonaa bisha Juun 25-keeda.





Previous Post

Wasiirka Shaqada XFS oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Adduunka

Next Post

Faahfaahin howlgalka degmada Ceeldheer ee lagu jebiyay khawaarijta

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Faahfaahin howlgalka degmada Ceeldheer ee lagu jebiyay khawaarijta

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

October 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In