Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Switzerland kaga qeybgalay shirka Nabadda iyo Ganacsiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Switzerland kaga qeybgalay shirka Nabadda iyo Ganacsiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah”, waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururrada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, waxa uuna la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo ku howlan qorshe lagu dhisayo garoon diyaaradeed oo cusub

Next Post

Wafdi ka socda Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay kuxigeenka Duqa magaalada Hague

Next Post
Wafdi ka socda Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay kuxigeenka Duqa magaalada Hague

Wafdi ka socda Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay kuxigeenka Duqa magaalada Hague

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjiraha JFS ee South Africa Amb. Mohamed Sheikh issak, ayaa shalay uga qeybgalay shir Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest...

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In