Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay danjiraha cusub ee Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley, iyaga oo ka wada hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu socday kulanka waxa uu ka warbixiyay siyaasadda guud ee Xukuumadda DanQaran, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Related posts

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markale caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheegii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda. Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse ay ku xiran tahay, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabanayso damaceeda gurracan.

Danjiraha Mareykanka Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.

Safiirku waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u bax dhigay Taallada dhagax tuur ” SAWIRRO”

Next Post

Somalia Denounces Ethiopia’s Interference at Horn of Africa Peace Conference

Next Post
Somalia Denounces Ethiopia’s Interference at Horn of Africa Peace Conference

Somalia Denounces Ethiopia's Interference at Horn of Africa Peace Conference

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In