Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku baaqay in si degdeg ah lagu joojiyo dagaalka ka socda Luuq

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku baaqay in si degdeg ah lagu joojiyo dagaalka ka socda Luuq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah oo uu ugu danbeeyay dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Maamulka Jubbaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq, si la mid ahna la farayo Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo fursad u ah in Khawaarijtu ay ku sii dhuumaaleystaan deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

“Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada.

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo saxiixay Buugga Tacsida AUN Marxuum Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxa dhaqdhaqaaqa Al-xikma ee dalka Ciraaq

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxa dhaqdhaqaaqa Al-xikma ee dalka Ciraaq

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxa dhaqdhaqaaqa Al-xikma ee dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In