Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya Marwo,Ikraan Maxamed Cabdullaahi oo madasha ka hadashay, ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin tababarkaan qiimaha badan,islamarkaana ka faaโideysan doonaan qibradda iyo waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee xagga Kheyraadka Biyaha.
Ms. Lin Huifang, ku xigeenka Agaasimaha guud ee FECC, oo sharaxday ujeedooyinka tababarkan, ayaa hoosta ka xariiqay inuu daaran yahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa ka faaโideysiga Kheyraadka Badda sida Kalluumeysiga, wuxuuna howlwadeenadda tababarka loo furay kula dardaarmay in ay ka faaโideystaan tababarkan, islamarkaana wixii wanaagsan ay u gudbiyaan shacabka ay wakiilka ka yihiin.
Ugu dambeyn, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjie Cali Cawaale Kullane, ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee kalluumeysiga Soomaaliya iyo suurtagalnimada in la wanaajiyo iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya, waxaana tababarkan uu socon doonaa 10-ka Luulyo ilaa 30-ka Luulyo.