Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si rasmi ah u furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si rasmi ah u furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Dooxa ee dalka aan walaalaha nahay ee Qatar.

Mudane Xamsa oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka shirweynaha oo halkudhiggiisu yahay “Jiheynta awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo ah” ayaa waxa uu sheegay ahmiyadda shirkan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan baahida loo qabo xilligan in Qurbajoobta Soomaaliyeed ay sii laba jibbaaraan kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan dib u dhiska dalka.

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026

Waxaa sidoo kale uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in la dhiso kalsooni, lana dhexgalo bulshooyinka martida loo yahay, iyada oo aan laga tageyn ilaalinta dhaqanka iyo caadooyinka suubban ee Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dheeraaday doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska, waxbarashada, koboca dhaqaalaha iyo guud ahaan nolosha dalkeena iyo bulshadaba, iyaga oo door weyn ka qaata horumarka dalka, waxaana uu ugu baaqay boqolaalka qof ee Soomaaliyeed ee ka soo qaybgalay shirka inay ka miradhaliyaan rajooyinka iyo yoolalka dadka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ee ah nabad, horumar iyo barwaaqa.

Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal Soomaali ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasi oo shirku uga socon doono magaalada Dooxa 22 – 24 Luulyo 2024.

Previous Post

Wasiir Cali Balcad :Shirweynahan waxaa looga hadlayaa sidii loo mideyn lahaa awooda Qurbajoogta Soomaaliyeed

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In