Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka dalka ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Habdhowraha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Senator Zamzam Cabdullaahi ayaa xubnaha wafdiga ee ka socday baarlamaanka urur goboleedkaIl Iskaashiga Dhaqaalaha bariga Afrika kusoo dhoweysay Magaaladda Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

Intaasi ka dib guddoomiye Joseph NTAKIRUTIMANA oo gudaha garoonka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa,mudada uu joogana uu kulamo la qaadan doono guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanadda labada Aqal.

Guddoomiye kuxigeeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Joseph NTAKIRUTIMANA iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay dalka ayaa sheegay in ay casuumad rasmi ah ka heleen guddoonka baarlamaanka dalka.

Sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS ayaa sheegey in baarlamaanka Soomaaliya uu ku guda jiro xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC Joseph NTAKIRUTIMANA waxaa safarkiisa ku wehliya Xildhibaan Iman Falhada Dekow, John N. Mutega oo ah habdhowre ku-xigeenka Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Nicodemus Ajak oo ka tirsan qeybta xiriirka dadweynana.






Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si rasmi ah u furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In