Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Guddoomiyey shir gaar ah oo looga hadlayey xalaadaha beniโaadannimo ee ka jira degaannada dowlad goboleedka Jubbaland.
Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gargaarka Jubbaland Maxamed Cusmaan Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale, waxaana si gaar ah looga hadlay.
1- Ka hortagga leexsashada gargaarka beniโaadannimo.
2- In hayโadda SoDMA xoojiso xiriirka hayโaddaha ka shaqeeya xalaadaha deg-deg ah ee goobaha la xooreeyay iyo Wasaaradda gargaarka Jubbaland.
3- in xal-waara loo helo dadka barakacyaasha ah.
4- in SoDMA Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ka gacan-siiso sidii ay uga shaqeeyn laheed waajibaadka ka saaran howlaha beniโaadannimo.























