Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 1, 2024
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta waxa uu kulan shaqo la yeeshay Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika iyo Bariga Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Djura Likar.

Safiirka iyo Agaasimaha ayaa wada-hadalkooda waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

Kulannkan oo ahaa wada-hadal shaqo oo laba-geesood ah ayaa ku saabsanaa booqashooyin loo diyaarinayo qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhawaan tegi doona magaalada Belgrade ee dalka Serbia iyo arimo ku saabsan danaha ay wadaagaan labada Dowladood.

 

Previous Post

Carruurta ay ka geeriyoodeen Shuhaddadii naftooda u huray Qaranka oo la dhiirigeliyay

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo qaabilay dhiggiisa dalka Ciraaq

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Masar oo qaabilay dhiggiisa dalka Ciraaq

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo qaabilay dhiggiisa dalka Ciraaq

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In