Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Gaadiidka golaha shacabka oo la kulmay Wasiirada Gaadiidka iyo Dekadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddiga Gaadiidka golaha shacabka oo la kulmay Wasiirada Gaadiidka iyo Dekadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Gaadiidka, Dekedaha,Garoommada, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xafiiskiisa kulan su’aalo weydiin ah kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Maxamed Cigaal, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdullaahi Axmed Jaamac ilko-jiir iyo sidoo kale guddiga gaadiidleyda Dekedda Muqdisho,waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Dekedaha,Garoommada, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel-qaad)

Ujeedka kulanka oo ahaa su’aalo weydiin iyo la xisaabtan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo xallin lahaa cabashada ka taagan gaadiidka ku xanniban Dekedda Magaaladda Muqdisho sababo la xiriira kaydkii sumadda gaadiidka (taarikada) oo dhammaaday.

Related posts

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026

Guddigu ayaa waxa uu dhagaystay cabashada ganacsatada gaadiidka, taasoo u muuqatay mid u baahan in si wada jir ah wasaaradaha arrintani ay khusayso ay uga wada hawl galaan xalna looga gaaro.

Labada Wasiir ayaa dhankooda ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen xubnaha guddiga waxa ayna ballan qaadeen in ganacsatada loo fududeynayo sidii gaadiidkaas xanniban loo soo deyn lahaa isla markaana xal looga gaari lahaa caqabadaha taagan.

Ugu dambeyn Guddiga Gaadiidka, Dekedaha,Garoommada, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka iyo wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista iyo sidoo kale Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa isku afgartay in la hirgeliyo qorshe lagaga hortagayo caqabadahan oo kale mustaqbalka,waxaana guddoomiyaha guddiga oo kulanka soo xiray uu uga mahadceliyay wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista iyo sidoo kale Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ka jawaabistooda u yeeritaanka guddiga.

Previous Post

Mas’uuliyiin Ka tirsan Wasaarada Beeraha Galmudug oo kormeeray wax soo saarka Beeraha

Next Post

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo xarigga ka jaray bar-xuduudka Feer-Feer

Next Post
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo xarigga ka jaray bar-xuduudka Feer-Feer

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo xarigga ka jaray bar-xuduudka Feer-Feer

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In