Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo daah-furay barnaamijyo luuqadeed oo sare loogu qaadayo tayada diblomaasiyiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo daah-furay barnaamijyo luuqadeed oo sare loogu qaadayo tayada diblomaasiyiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay koorsooyin lagu baranayo afafka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Amxaariga oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda, ayna ka faaidaysan doonaan 70 shaqaale oo ka kala tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la soo saaro jiil diblomaasiyiin ah oo aqoon leh, kuna hadli karaan afaf kala duwan, kuwaasi oo xoojin doona matalaadda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamka si looga guul keeno danaha sare ee qaranka. Wasiirka waxa uu caddeeyay kaalinta Machadka ee soo saaridda daraasado, cilmi-baarisyo iyo marti-gelinta dooddo siyaasadeed iyo amni.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Wasiirku waxa uu soo bandhigay qorshayaal lagu ballaarinayo barnaamijyada tababbarada diblomaasiyadeed ee gudaha dalka lagu qabanayo, iyadoo sidoo kale uu jiri doono qorshe tababbaro diblomaasiyadeed loogu diri doono dalalka aan walaalaha, saaxiibada iyo isbahaysiga aan nahay, ujeedkeeduna uu yahay kor u qaadidda xirfadda iyo khibradda bahda diblomaasiyadda Soomaaliyeed.

Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, ayaa shaaca ka qaaday in Machadku dib u bilaabi doono koorsooyinkii diblomaasiyadeed si gaar ah koorsada lagu qaadanayo shahaadada diblooma sare oo muddo sanad ah, lana filayo in si rasmi ah loo furo bisha September.

Previous Post

Mahad Axmed Calasoow oo loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Warfaafinta Hirshabeelle

Next Post

Guddiga Gurmadka Qaran oo lacag ka guddoomay Wasaaradda Caafimaadka

Next Post
Guddiga Gurmadka Qaran oo lacag ka guddoomay Wasaaradda Caafimaadka

Guddiga Gurmadka Qaran oo lacag ka guddoomay Wasaaradda Caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In