Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo daah-furay barnaamijyo luuqadeed oo sare loogu qaadayo tayada diblomaasiyiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo daah-furay barnaamijyo luuqadeed oo sare loogu qaadayo tayada diblomaasiyiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay koorsooyin lagu baranayo afafka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Amxaariga oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda, ayna ka faaidaysan doonaan 70 shaqaale oo ka kala tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la soo saaro jiil diblomaasiyiin ah oo aqoon leh, kuna hadli karaan afaf kala duwan, kuwaasi oo xoojin doona matalaadda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamka si looga guul keeno danaha sare ee qaranka. Wasiirka waxa uu caddeeyay kaalinta Machadka ee soo saaridda daraasado, cilmi-baarisyo iyo marti-gelinta dooddo siyaasadeed iyo amni.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Wasiirku waxa uu soo bandhigay qorshayaal lagu ballaarinayo barnaamijyada tababbarada diblomaasiyadeed ee gudaha dalka lagu qabanayo, iyadoo sidoo kale uu jiri doono qorshe tababbaro diblomaasiyadeed loogu diri doono dalalka aan walaalaha, saaxiibada iyo isbahaysiga aan nahay, ujeedkeeduna uu yahay kor u qaadidda xirfadda iyo khibradda bahda diblomaasiyadda Soomaaliyeed.

Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, ayaa shaaca ka qaaday in Machadku dib u bilaabi doono koorsooyinkii diblomaasiyadeed si gaar ah koorsada lagu qaadanayo shahaadada diblooma sare oo muddo sanad ah, lana filayo in si rasmi ah loo furo bisha September.








Previous Post

Mahad Axmed Calasoow oo loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka Warfaafinta Hirshabeelle

Next Post

Guddiga Gurmadka Qaran oo lacag ka guddoomay Wasaaradda Caafimaadka

Next Post
Guddiga Gurmadka Qaran oo lacag ka guddoomay Wasaaradda Caafimaadka

Guddiga Gurmadka Qaran oo lacag ka guddoomay Wasaaradda Caafimaadka

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In