Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga “Dagaalka Khawaarijta lagugula jiro inta uu socday,Saraakiil badan ayaa la dallacsiiyay” 

Idman Yahye by Idman Yahye
August 20, 2024
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga “Dagaalka Khawaarijta lagugula jiro inta uu socday,Saraakiil badan ayaa la dallacsiiyay” 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Cabdul qaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in inta uu socday dagaalka Khawaarijta dalka looga saarayo saraakiil badan la dallacsiiyay kuwa kalena la abaal marin doonaa dhawaan.

Wasiirka Difaaca Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ”Dagaalka Khawaarijta dalka looga saarayo saraakiil badan ayaa lagu dallacsiiyay kuwa kale ayaa harsan oo la abaal marin doonaa”

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025

Wasiir Jaamac oo ka hadlayay munaasabad lagu dhiirri gelinayo Saraakiisha, Saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho, kuwaasn oo qaarkood lagu dallacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen dagaalka lagula jiro khawaarijta, iyagoo kuwa harayna lagu wado in la dallacsiiyo sida uu Wasiirku xusay.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dallacaaddu ay gaadhay dhammaan Saraakiisha kale ee howlgallada ka wado  geyiga Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sifoobay naf hurnimo iyo in ay godadka ugu daataan khawaarijta curyaamisay horumarka dalka iyo dadka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin, ayaa sheegay in dallacsiintu ay muddo soo socotay ay sii wadi doonaan abaalmarinta Saraakiisha, isagoo xusay in lagu qiimeyn doono karti iyo waajib gudasho.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage,ayaa sheegay in Saraakiisha dallacday ay guteen waajibaadka Qaranka ee saaran,  wuxuuna tilmaamay in Qaranku uu ogyhay cid kasta oo gudata mas’uuliyaddii ay lahayd.

Previous Post

Kulan looga hadlayay dardargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarijta oo lagu qabtay Xarardheere

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo hirgeliyay Xarunta Shaybaarka Xoolaha 

Next Post
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo hirgeliyay Xarunta Shaybaarka Xoolaha 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo hirgeliyay Xarunta Shaybaarka Xoolaha 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In