Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo hirgeliyay Xarunta Shaybaarka Xoolaha 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo hirgeliyay Xarunta Shaybaarka Xoolaha 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) oo uu wehliyay Wasiirka Dekadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilkajiir, ayaa maanta xarigga ka jaray xarumo cusub oo ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ka hirgelisay Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Xarumahan oo kala ah Sheybaarka dhexe ee Xoolaha, qeybta shahaado bixinta, xarunta dhexe ee Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo inta aan laga dhoofin Dekadda, ayaa waxaa maalgeliyay Bangiga horumarinta Afrika, waxana fulisay hey’adda Save the Children.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

Dhinaca kale, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilkajiir, ayaa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku bogaadiyay higelinta xarumaha muhiimka u ah, wuxuuna rajo ka muujiyay in goor dhowr Dekadda Muqdisho laga billaabo dhoofinta xoolaha nool ee Dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka xanaanada xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in xarumaha la dhisay ay wax badan ka tari doonaan horumarinta dhoofka xoolaha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga “Dagaalka Khawaarijta lagugula jiro inta uu socday,Saraakiil badan ayaa la dallacsiiyay” 

Next Post

Shirweynaha Madasha Magan oo ka fumay Muqdisho  

Next Post
Shirweynaha Madasha Magan oo ka fumay Muqdisho  

Shirweynaha Madasha Magan oo ka fumay Muqdisho  

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In