Wednesday, December 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Kooxda Bani’aadannimada ee Soomaaliya HCT

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax ku ool ah oo la xariira xaaladda dalka la qaatay Kooxda Bani’aadannimada ee Soomaaliya (HCT) oo uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka, George Conway.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee waddanka ka taagan, iyadoo in ka badan 6.9 milyan oo qof ay xilligaan u baahan yihiin gargaar degdeg ah, halka la carabaabay cuuryaaminta ay kheyraadka dalka ku hayaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa gacan-ku-rimiska ah ee colaaduhu ugu horreeyaan.

Related posts

Xukuumadda DanQaran oo qaaday talaabooyin lagu adkeynayo Midnimada JFS

Xukuumadda DanQaran oo qaaday talaabooyin lagu adkeynayo Midnimada JFS

December 31, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

December 31, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda, ayaa tilmaamay shaqada adag ee SoDMA ka qabatay howlaha la xariira ka hortagga iyo yareynta saameynta musiibooyinka tan iyo dib u howlgalinteedi, isagoo xusay in mar kasta Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay qaadashada doorkeeda, isla-markaana soo bandhigay hannaanka loo baanahan yahay in lagu wada shaqeeyo.

Guddoomiye Maxamuud Macallin, wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay ku fadhiso Madasha Bani’aadannimo ee dalka ee soo socota, dadaallada hay’adda ee ka hortagga leexsashada gargaarka, ilaha dhaqaale oo xaddidan iyo in loo baahan yahay xoojinta u diyaargarowga, dhisidda awoodda, kor u qaadista iyo isku-duwidda ka hor musiibooyinka.




Previous Post

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo Qaabbilay Madaxa hay’adda Caalamiga ah ee USAID

Next Post

Ciidammada Amniga oo fashiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

Next Post
Ciidammada Amniga oo fashiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

Ciidammada Amniga oo fashiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

Xukuumadda DanQaran oo qaaday talaabooyin lagu adkeynayo Midnimada JFS

Xukuumadda DanQaran oo qaaday talaabooyin lagu adkeynayo Midnimada JFS

December 31, 2025
0

Xukuumadda DanQaran, oo ka duulaysa mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran, waxa ay mudnaan gaar ah siisay adkaynta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

December 31, 2025
0

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Agaasimaha Guud ee cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka oo xilka la wareegay.

Agaasimaha Guud ee cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka oo xilka la wareegay.

December 31, 2025
0

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir, ayaa maanta si rasmi...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

December 31, 2025
0

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay dibadbax ballaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal qof oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In