Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay ahmiyadda Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay ahmiyadda Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay Shirka lixaad ee iskaashiga China iyo Afrika ee dhinaca Warbaahinta oo maanta ka furmay magaalada Beijing ee caasimadda dalka China ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay ahmiyadda iskaashiga Soomaaliya iyo China iyo Afrika iyo China.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahad celiyay dowladda China casuumaadda iyo soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen wafdigii uu hoggaaminayay Wasiirka ee shalay soo gaaray dalka China.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026

Wasiirka ayaa yiri “Warbaahinta waxa ay lagama maarmaan u tahay dhismaha nabadda, horumarinta dowlad wanaagga, la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo horumarka bulshada, casriyaynta iyo horumarka xowliga ah ee warbaahinta dunida waxa ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay yeeshaan dowladaha, qabashada shirkan wuxuu muhiim u yahay xoojiynta wada shaqeynta iyo iskaashiga dowladaha Afrika iyo China, waana tusaale muujinaya ka go’naanta dowladda China ee hagaagjinta xiriirka Qaaradda Afrika”

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys ayaa dowladda China ku amaanay sida ay u taageereen madax banaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya markii ay ku soo xad gudubtay dowladda Itoobiya oo la saxiixatay heshiis sharci darra ah gobol ka mid ah Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo China ee dhinaca warbaahinta iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

” Si gaar ah maadaama Soomaaliya oo soo koraysa, kuna jirto marxalad dib u xasilin dalkeeda iyo la dagaallanka argagaxisadda, ahmiyad gaar ah ayay innoo leedahay iskaashigan horumarinta warbaahinta”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys ayaa sidoo kulan doceedyo la qaatay madaxda heerka sare ee ka qeyb galay shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo China oo ay ka mid tahay Wasiirka Warfaafinta China oo xubin sare ka ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga ee dalka ka arrimiya Ms CAO Shumin.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo dardaaran u jeediyay howlwadeennada Hay’adda

Next Post

Golaha Wasiirrada oo soo saaray Qaraar ku saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka

Next Post
Golaha Wasiirrada oo soo saaray Qaraar ku saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka

Golaha Wasiirrada oo soo saaray Qaraar ku saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In