Sunday, October 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Sare ee CQS oo go’aan ka soo saartay kiis dil ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Maxkamadda Sare ee CQS oo go’aan ka soo saartay kiis dil ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable NISA Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Boolis Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmada Hodan, waxaana lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo cidda is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxidda.

Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is-rasaaseyn dhex martay Labada eedeysane, ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan.

Related posts

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

October 19, 2025
Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

October 19, 2025

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday Labada Eedeysane, Sideed iyo Labaatankii August, waxaana baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida uu mar kale codsaday qaadista kiiskaan.

Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyadoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable NISA Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” ayey Maxkamada sare ku xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse.

2- Dable Boolis Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay Lix sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida.

 

Previous Post

Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababar u soo xiray shaqaalaha Hay’adda SoDMA

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababar u soo xiray shaqaalaha Hay’adda SoDMA

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababar u soo xiray shaqaalaha Hay’adda SoDMA

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruuc taageero...

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RWANDA):-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa Booliska Caalamiga ah ayaa dalka Rwanda...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana shir guddoomiyey...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In