Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Batroolka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Batroolka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan su’aalo weydiin iyo la xisaabtan ah kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha hay’adda Batroolka, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid.

Ugu horeyn Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa guddiga uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshayaasha u degsan.

Related posts

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay weydiiyay su’aalo xiriira shaqooyinka ay Wasaaradda dalka iyo dadka u heyso gaar ahaan howlaha shidaal qodista iyo sidoo kale halka ay marayaan, waxaana dhinaca kale Wasiirka uu ka jawaabay su’aalaha guddiga uu weydiinayay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid oo kulanka soo xiray ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday uga mahadceliyay sida ay uga soo jawaabeen u yeeritaanka guddiga.

Previous Post

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay Aqoon Isweydaarsi muhiim ah

Next Post

Hay’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Next Post
Hay’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Hay’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo...

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026
0

Maamulka Warbaahinta Qaranka ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan...

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In