Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Batroolka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Batroolka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan su’aalo weydiin iyo la xisaabtan ah kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha hay’adda Batroolka, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid.

Ugu horeyn Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa guddiga uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshayaasha u degsan.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay weydiiyay su’aalo xiriira shaqooyinka ay Wasaaradda dalka iyo dadka u heyso gaar ahaan howlaha shidaal qodista iyo sidoo kale halka ay marayaan, waxaana dhinaca kale Wasiirka uu ka jawaabay su’aalaha guddiga uu weydiinayay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid oo kulanka soo xiray ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday uga mahadceliyay sida ay uga soo jawaabeen u yeeritaanka guddiga.






Previous Post

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay Aqoon Isweydaarsi muhiim ah

Next Post

Hay’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Next Post
Hay’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Hay’adda Socdaalka oo tababar u soo xirtay howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In