Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa bannaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 year ago
in Wararka
0
Golaha shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa bannaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa aqrinta koowaad Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee isaga gudba dalalka iyo baratakoolladiisa, qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa banaan ee dowladda iyo labo qeyb oo kala ahaa hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka iyo sharciga wax ka beddelka Sharciga ka-hortaga lacag-dhaqida iyo maalgelinta argagixisada.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka faah faahin ka siiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga gudba Qaramada iyo baratakooladiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in heshiiskan lagu wareejiyay guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha Shacabka si ay u marsiiyaan habraacyada u dhiman.

Sidoo kale, Xildhibaanadda golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa bannaan ee dowladda, waxaana faahfaahinta qaraarkan golaha la wadaagay Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Intaasi ka dib mudanayaasha golaha Shacabka oo cod u qaaday qaraarkan ayaa waxaa ogolaatay 149-Xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay sida uu sheegay  Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray.

Previous Post

Wasiir Fiqi “Wafdiga maanta noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka’

Next Post

Xoghayaha IGAD oo mar kale cadeeyey mowqifka ururka ee xadgudubka Ethiopia

Next Post
Xoghayaha IGAD oo mar kale cadeeyey mowqifka ururka ee xadgudubka Ethiopia

Xoghayaha IGAD oo mar kale cadeeyey mowqifka ururka ee xadgudubka Ethiopia

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In