Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha IGAD oo mar kale cadeeyey mowqifka ururka ee xadgudubka Ethiopia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 16, 2024
in Wararka
0
Xoghayaha IGAD oo mar kale cadeeyey mowqifka ururka ee xadgudubka Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo maanta wafdi uu hoggaaminayo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay damaca Ethiopia ku doonayso inay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ku qaadato.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen isaga iyo Wasiirka arrimaha dibadda mudane Axmed Macallin Fiqi ayuu Workneh ku sheegay in IGAD ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

“Mowqifka IGAD waa mid cad, shirkii madaxda dalalka IGAD ee bishii January ayaa caddeeyey mowqifkeena, iyadoo lagu sheegay inay muhiim tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya”.

Xoghayaha IGAD ayaa ka hadlay dagaalada ka socda dalka Sudan, isagoo xusay inuu tixgelinayo dadaalka Soomaaliya ku doonayso in mar kale Sudan ay soo ceshato xubinimadeedii ururka.

“Caqabado ayuu wajahayaa gobolka. Igad waxay qaadan doonaa kaalin wax haaajinaysa, dhibaatooyinku way na soo marayaan weyna na dhaafayaan laakin nama qaybi karaan”.

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii aas aasay urur goboleedka IGAD oo ay ku jiraan dalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Uganda, Ethiopia, South Sudan iyo Eritrea.

 

 

Previous Post

Golaha shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa bannaan

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Faracadde

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Faracadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Faracadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In