Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha IGAD oo mar kale cadeeyey mowqifka ururka ee xadgudubka Ethiopia

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xoghayaha IGAD oo mar kale cadeeyey mowqifka ururka ee xadgudubka Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo maanta wafdi uu hoggaaminayo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay damaca Ethiopia ku doonayso inay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ku qaadato.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen isaga iyo Wasiirka arrimaha dibadda mudane Axmed Macallin Fiqi ayuu Workneh ku sheegay in IGAD ay ixtiraamayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

April 15, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026

“Mowqifka IGAD waa mid cad, shirkii madaxda dalalka IGAD ee bishii January ayaa caddeeyey mowqifkeena, iyadoo lagu sheegay inay muhiim tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya”.

Xoghayaha IGAD ayaa ka hadlay dagaalada ka socda dalka Sudan, isagoo xusay inuu tixgelinayo dadaalka Soomaaliya ku doonayso in mar kale Sudan ay soo ceshato xubinimadeedii ururka.

“Caqabado ayuu wajahayaa gobolka. Igad waxay qaadan doonaa kaalin wax haaajinaysa, dhibaatooyinku way na soo marayaan weyna na dhaafayaan laakin nama qaybi karaan”.

Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii aas aasay urur goboleedka IGAD oo ay ku jiraan dalka Soomaaliya, Djibouti, Kenya, Uganda, Ethiopia, South Sudan iyo Eritrea.

Previous Post

Golaha shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa bannaan

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Faracadde

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Faracadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buugga tacsida Ugaas Faracadde

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

April 15, 2026
0

Xildhibaanada haweenka ah ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), oo ay hoggaamineyso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In