Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo hortegay guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo hortegay guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha beni’aadanimada, Warfaafinta iyo dhaqanka ee Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa xafiiskooda maanta kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo la socotay.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Sanatar Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed ( Dufle ) ayey xubnaha guddigu Wasiirka iyo xubnaha la socday wax ka waydiiyeen shaqada guud ee Wasaaradda, shuruucda dhaqan-galka ah ee ay Wasaaraddu ku shaqeyso, xaquuqda shaqaalaha Wasaaradda, hannaanka ay u mareen dhismaha golaha Warbaahinta, qorshaha Wasaaradda uga degsan ka wacyi-galinta bulshada ee kooxaha xagjirka ah, hormarinta dhaqanka iyo suugaanta iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa, kuwaas oo ay mid mid uga jawaabeen Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026

Ugu dambayn Guddoomiyaha Guddiga Adeega Bulshada Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle oo kulanka soo xiray ayaa ku booriyay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta shaqada ay Qaranka u hayan, isagoo sheegay in ay joogtayn doonaan kulama isla xisaabtanka ah, islamarkaana ay kormeer ku imaan doonaan Wasaaradda, si loo dardar geliyo waajib gudashada shaqada Qaranka.

Previous Post

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qaabilay Raisedon Zenega

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo furay shirka erey bixinta Af-Soomaaliga ee Tiknoolajiyadda

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo furay shirka erey bixinta Af-Soomaaliga ee Tiknoolajiyadda

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo furay shirka erey bixinta Af-Soomaaliga ee Tiknoolajiyadda

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, waddada laamiga ah...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Bishoftu,Ethiopia):-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka Dalladda Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee waddamada urur gobolleedka IGAD oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In