Thursday, January 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiiro cusub

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheikh oo Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiiro cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal, kuwaas oo Soomaaliya ay u soo magacaabeen dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia.

Danjireyaasha causub ee Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026

January 1, 2026

1. Nounke Kaba, Safiirka Jamhuuriyadda Guinea

2. Caitríona Ingoldsby, Safiirka Ireland

3. Julia Pataki, Safiirka Romania

4. Cristina Díaz Fernández-Gil, Safiirka Boqortooyada Spain

5. Mirko Giulietti, Safiirka Switzerland

6. Rose Sakala, Safiirka Jamhuuriyadda Zambia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Safiirada cusub ku soo dhoweeyay Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka ay metalaan, isaga oo u sheegay Danjireyaasha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhow la yeelato dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

Safiirada cusub ayaa dhankooda tilmaamay in ay xooga saaridoonaan horumarinta xiriirka labada dhinac, iyaga oo uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Wasiir Fiqi oo New York kula kulmay dhiggiisa Dalalka Masar iyo Eritrea

Next Post
Wasiir Fiqi oo New York kula kulmay dhiggiisa Dalalka Masar iyo Eritrea

Wasiir Fiqi oo New York kula kulmay dhiggiisa Dalalka Masar iyo Eritrea

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray shirka Machadka Heritage ee ka socday magaalada...

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

January 1, 2026
0

Statement on the 70th Independence Day of the Republic of Sudan H.E. Abdisalam Abdi Ali Minister of Foreign Affairs and...

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

January 1, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with the...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026

January 1, 2026
0

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026, (Annual Overall Audit Plan -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In