Tuesday, October 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijkaan oo socday muddo laba sano ah 2023/2024, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Hay’adda Tubsan iyo Hay’adda Albany, waxaana lagu tababaray 354 qof oo u badan wariyayaasha ka hawlgala furimaha dagaalka, hawlwadeenada ka shaqeeya Barnaamijyada la xiriira la dagaallanka Khawaarijta iyo dhiira-galinta isa soo dhiibayaasha, ururrada Haweenka iyo hawlwadeeno ka socday dowlad goboleedyada, waxaana ay tababaradaasi ka kala dhaceen Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in barnaamijkani uu muhiim u yahay dhismaha xirfadda iyo aqoonta hawlwadeenada Warbaahinta iyo hay’adaha ku howlan la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo nolol u sameynta dhallinyarada ka soo baxaysa kooxaha Khawaarijta ah.

Related posts

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

October 28, 2025
C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa bogaadiyay howlwadeenada Hay’adda Albany iyo Macalimiintii la shaqeynayay intii uu socday tababarkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la xoojiyo tababarrada iyo farriimaha wacyigalinta ah ee la xiriira ka hortaga fikirka xagjirka ah, been abuurka Khawaarijta iyo dhiiragalinta dhalinyarada doonaysa in dadkooda ay ka mid noqdaan.

Safiirka ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Steven Gillen oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa bogaadiyay dedaallada wadajirka ah ee la isaga kaashanayo dhismaha aqoonta howlwadeenada iyo wariyayaasha ka shaqeeya la dagaallanka kooxaha Khawaarija ah iyo fikirkooda qaldan, wuxuuna sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay taageerada qorshaha Soomaaliya ku xoojinayso amnigeeda, kuna ciribtirayso argagixisada Khawaarijta ah.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo agaasimayaal ka soo shaqeeyay intii uu socday barnaamijka iyo qaar ka mid ah howlwadeenadii ka faa’iideystay.

Gabogabadii munaasabadda waxaa Shahaado Sharaf lagu guddoonsiiyay Macalimiintii iyo Hay’adda Albany oo taageeray qabsoomidda tababaraddan socday ku dhowaad muddo labo sano ah.









Previous Post

Wasiir Bashiir oo daah-furay kulan looga hadlayay doorka Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

October 28, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyay shirka Amniga oo lagu gorfeeyay...

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS, Mudane Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare), Agaasimaha Waaxda Warfaafinta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

October 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya....

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Mashruuc cuno qeybin ah oo laga daah-furay Hirshabeelle

October 27, 2025
0

Wajiga koowaad ee mashruuc cuno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga bilaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In