Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Moalim Fiqi, ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL, Jürgen Stock, si loo xoojiyo doorka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah iyo argagixisada. Soomaaliya, oo ah difaac koowaad, ayaa door muhiim ah ka ciyaarta ka hortagga in khatarahan ay ku fidaan gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiir Fiqi wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loola shaqeeyo INTERPOL si loo xoojiyo awoodda booliska Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, dembiyada internetka, iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee hubka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maaraynta hubka, taasoo sababtay in laga qaado cunaqabatayntii hubka ee mudada dheer jirtay, taas oo guul weyn u ah sugidda amniga adduunka oo idil.

Related posts

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025

Xoghayaha Guud ee INTERPOL, Jürgen Stock, ayaa bogaadiyay horumarka ay Booliska Soomaaliyeed ka gaareen la dagaallanka dambiyada abaabulan, wuxuuna ballan qaaday inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan booliska, si kor loogu qaado awooddooda dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah. Wasiir Fiqi waxa kale oo uu soo bandhigay mudnaanta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee sanadaha soo socda, isagoo diiradda saaray iskaashiga dhinaca amniga.



Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan kula yeeshay New York Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan kula yeeshay New York Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan kula yeeshay New York Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In