Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Moalim Fiqi, ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL, Jürgen Stock, si loo xoojiyo doorka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah iyo argagixisada. Soomaaliya, oo ah difaac koowaad, ayaa door muhiim ah ka ciyaarta ka hortagga in khatarahan ay ku fidaan gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiir Fiqi wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loola shaqeeyo INTERPOL si loo xoojiyo awoodda booliska Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, dembiyada internetka, iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee hubka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maaraynta hubka, taasoo sababtay in laga qaado cunaqabatayntii hubka ee mudada dheer jirtay, taas oo guul weyn u ah sugidda amniga adduunka oo idil.

Related posts

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026

Xoghayaha Guud ee INTERPOL, Jürgen Stock, ayaa bogaadiyay horumarka ay Booliska Soomaaliyeed ka gaareen la dagaallanka dambiyada abaabulan, wuxuuna ballan qaaday inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan booliska, si kor loogu qaado awooddooda dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah. Wasiir Fiqi waxa kale oo uu soo bandhigay mudnaanta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee sanadaha soo socda, isagoo diiradda saaray iskaashiga dhinaca amniga.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan kula yeeshay New York Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan kula yeeshay New York Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan kula yeeshay New York Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-The Federal Government of Somalia reaffirms its full respect for the constitutional rights of citizens to peaceful assembly, expression,...

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Musharrax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS ayaa ka codeeyay magaalada...

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabweynaha deegaannada Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha...

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In