Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Jenaraal Zakir Hasanov.
Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga arrimaha Difaaca iyo la-dagaallanka Kooxaha Khawaarijta.