Wednesday, June 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 27-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama Kooramka kulanka oo ku furmay 140-Xildhibaan,waxa uu Ajendihiisu ahaa Akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka iyo dhameystirka Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka, waxaana ugu horeyn Xildhibaannada ay u codeeyeen Hindise Sharciyeedka Kaalmo sharciyeedka Federaalka oo ay ogolaadeen 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, Xildhibaan diidayna ma jirin sida uu sheegay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Related posts

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo ka qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika.

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo ka qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika.

June 17, 2026
Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

June 16, 2026

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa dhameystiray Akhrinta koowaad Ee Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare Ee Qaranka, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay su’aalo ku aadan hindise sharciyeedkan weydiiyeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta Sare Nuura Mustaf Mukhtaar oo dhankeeda ka jawaabtay su’aalaha ay Xildhibaannada weydiiyeen.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka lagu wareejiyay guddiga ku shaqada leh si usoo diyaariyo Akhrintiisa labaad dibna golaha uu ugu soo celiyaan si looga doodo.

Previous Post

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Shirweynaha Bangiyadda Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Next Post
Shirweynaha Bangiyadda Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Shirweynaha Bangiyadda Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo ka qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika.

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo ka qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika.

June 17, 2026
0

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo...

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

June 16, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, 16 Juun 2026 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga...

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

June 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, oo matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka...

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In