Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee BJFS 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee BJFS 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa 11-aad ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee Golaha horyaala ayna tahay inuu Golaha ka shaqeeyo kalfadhigan shanaad.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026

Sidoo kale guddoomiyaasha guddiyada Golaha ayaa soo gudbiyay guddi walba hindise sharciyeedyada horyaala iyo habraacyada ay marayaan, waxaana Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ay ka doodeen ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay dardargelinta shuruucda muhiimka u ah horumarinta dowladnimo ee dalka.

Previous Post

Ciidanka XDS oo howlgalo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Gobalka Shabeelaha Hoose

Next Post

Wasiirka Difaaca oo kormeeray Xarunta Ciidanka Dhulka Xoogga

Next Post
Wasiirka Difaaca oo kormeeray Xarunta Ciidanka Dhulka Xoogga

Wasiirka Difaaca oo kormeeray Xarunta Ciidanka Dhulka Xoogga

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa hoygiisa qado sharaf iyo soo...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In