Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabbilay Agaasime kuxigeenka UNDP ee Wadamada Carabta

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
October 9, 2024
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabbilay Agaasime kuxigeenka UNDP ee Wadamada Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigeenka Agaasima Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka ah ee u dhexeeya UNDP iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyay Marwo Walter doorka muhiimka ah ee UNDP ay ka qaadato horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.

Related posts

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2025

Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay arrimo badan oo dan guud ah, muhiimadda isku-duwidda dedaallada horumarineed si looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida beeraha iyo kalluumeysiga.

Kulanka ayaa sidoo kale waxay kaga wada hadleen caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee looga gudbi karo si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka.

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka sii socda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado horumar waara oo Soomaaliya ay ka gaarto dhinacyada horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulamo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi iyo Kuwait

Next Post

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

Next Post
Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

September 14, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa afar fariimood ku sharaxay jabinta difaacyadii iyo...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta...

Shir looga arrinsanayo arrimaha amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Shir looga arrinsanayo arrimaha amniga oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GAALKACYO):- Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug, Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto), ayaa shir gudoomiyay shirka amniga ee maanta ka...

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MARKA):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta deegaanka Shalambood oo hoos yimaada, degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In