Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa booqday Xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Wasiirka waxaa booqashadaan ku wehliyey Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington DC Mudane Abuukar Xasan Goley, waxaana xarunta ku soo dhoweeyey Agaasimaha, ahna aas-aasaha Xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Mudane Cismaan Cali Gurey.
Agaasime Cismaan ayaa wasiirka iyo wafdigiisa ku soo wareejiyey xarunta iyo agabka yaala oo ka turjumaya jiritaanka dhaqanka wanaagsan umadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiir Al-Cadaala si weyn u dhiirigeliyey shaqada soo nooleynta dhaqanka Soomaalida ee xaruntaan iyo Agaasime Cismaan Cali Gurey ay hayaan.