Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda SoDMA oo martigelisay dood cilmiyeed muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adda SoDMA oo martigelisay dood cilmiyeed muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa marti-galisay dood cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi-baarista iyo Tababarrada Hay’adda SoDMA oo u jeedkeedu yahay sidii dib loogu dhisi lahaa buundooyinka gobolka Gedo ee ku burburay fatahaaddii El-nino isla-markaana loo xoojin lahaa dadaallada u qareemidda iyo qaaraan-aruurunta ee socda.

Madasha waxaa si weyn loogu lafa-guray saameynta taban ee ka dhalatay roobabkii xoogganaa ee dalka ka da’ay dhammaadki sanadkii hore gaar ahaan qiimeynta buundooyinka gobolka Gedo ee burburay, sidii loo taageeri lahaa isku-dayga dadka degaanka ee ku aaddan dib u dhiska buundooyinka iyo garab istaagga howlaha Guddiga Dib-u-dhiska Buundooyinka.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo kulanka daah-furay ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda ay buundooyinku u leeyihiin guud ahaan nolosha bulshada.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan oo kulanka soo xiray ayaa xusay in SoDMA ay mar waliba diyaar la tahay kaalinteeda, isagoo si weyn u boorriyay is-kaashiga iyo isku-tashiga bulshada Gedo.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xildhibaan Asad Cabdirisaaq, Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Mudane Cusmaan Macalin Shaatax, Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-Dhiska Buundooyinka Gedo, Prof Ibraahin Faarax Bursaliid, madax kale iyo khubaro aqoon durugsan u leh muwduuca ayaa ka qeyb-galay dood-cilmiyeedkaan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo goob joog ka ahaa deeq Turkiga ugu deeqay Soomaaliya

Next Post

Soomaaliya iyo Uganda oo ku heshiiyay xoojinta iskaashiga Amniga

Next Post
Soomaaliya iyo Uganda oo ku heshiiyay xoojinta iskaashiga Amniga

Soomaaliya iyo Uganda oo ku heshiiyay xoojinta iskaashiga Amniga

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In