Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wafdi ka socday xarunta gargaarka Sacuudiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wafdi ka socday xarunta gargaarka Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay wafti ka socda Xarunta Arrimaha Gargaarka iyo Bani’aadannimada ee Boqor Salmaan oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka madaxa KSRelief, Dr. Cabdullaahi Macallin oo uu wehliyo Madaxa Xarunta ee xafiiska Afrika Dr. Yasid Cabdalla Xaamud.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii Xarunta King Salman taageero wax-ku-ool ah uga geysan lahayd ka hortagga iyo yareynta khataraha ka dhalan kara abaaraha la saadaalinayo, sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha adkeysiga iyo la qabsiga is-beddelka cimilada, dhisidda tayada iyo kartida hay’adda SoDMA iyo xoojinta hindisaha digniinaha ee dadka lagu ogaysiiyo khataraha.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Intii uu socday kulanka waxaa la isku raacay in Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ay korjoogteyn rasmi ah ku yeelato howlaha iyo mashaariicda ay dalka ka fulineyso Xarunta KSRelief iyo in SoDMA laga taageero, loona diyaariyo sidii ay mustaqbalka dhow ula wareegi lahayd hirgalinta mashaariicda Boqortooyada Sacuudigu ugu deeqdo Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wada shaqeynta dhow ee ka dhaxaysa labada dhinac, halka ay wadajir u bogaadiyeen xiriirka taariikhiga ah iyo midka walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya u magacaawday Malaysia oo Boqorka dalkaa uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad iyo Wasiirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad iyo Wasiirro

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad iyo Wasiirro

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In