Ciidamada Israa’iil ayaa weerarro ku qaaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla dalka Iran, iyagoo ka jawaabaya waxa ay ku sheegeen weerarro bilo ah oo Iran iyo xulufo raacsan ay ka geysteen gudaha dalkaasi.
Milateriga Iran ayaa xaqiijiyay in duqeymaha Israa’iil ay la beegsatay saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobollada Ilam, Khuzestan iyo Tehran, kuwaas oo geystay khasaare xaddidan.
Israa’iil waxay ka digtay in haddii Iran ay fuliso weerarro aargoosi ah ay waajib ku tahay inay ku jawaabaan ficil mileteri.
Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan in dambiyo fool xun lagu fuliyo waqooyiga Gaza iyada oo go’doominta Israel iyo ,duqeymaha aan joogsiga lahayn ee dhulka ay galayaan usbuucii afaraad.
Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 41 qof lagu dilay 133 kalena lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee dalka oo dhan Jimcihii.
Qaza tirada dhimashada ayaa mareysa ugu yaraan 42,847 qof ,halka dhaawacana lagu sheegay 100,544,iyadoo dhinaca Lubnaan ay dhimashadu ku dhowdaha9y 3 kun.