Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sheegay in xiriir soo jireen ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sheegay in xiriir soo jireen ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa maanta khudbad furitaan ah ka jeediyay kulanka looga hadlayay kaalinta dalka Shiinaha uga jiro horumarinta tayada sare leh ee ka socota guud ahaan Qaaradda Afrika.

Kulankaan oo ay soo qaban-qaabisay machadka loogu magacdaray “ China-Kenya Institute” ayaa waxaa ka qeybgalay aqoonyahanno ka socda qaar ka mida dalalka Afrika, gaar ahaan dalka Kenya iyo dalka Shiinaha iyo madax ka socotay Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Kenya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025

Dajire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa furitaanka shirkaas ka sheegay inkasta oo ay dalka Shiinaha ku sameeynin dalka Soomaaliyad maalgashi baaxad leh sida wadamada kale e Afrika, hadana Safiirka ayaa sheegay in ay jiraan qorshooyin dalka Shiinaha uu ku doonayo in uu maalgasho iyo tagaeero dhaqaale ku siiyo dalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xiriir ku qotoma taariikh dheer, iskaashigaas oo soo bilowday wax yar ka dib markii Soomaaliya qaadatay xornimada. Soomaaliya ayaa waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ah ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha dalka Shiinaha. Xiriirkan aasaaska ah wuxuu qaabeeyey xiriir gaar ah oo ay yeeshaan labada dal, kaas oo ilaa maanta jira.

Danjire Jabril ayaa sidoo kale ka hadlay guud ahaan saameynta uu dalka Shiinaha ku leeyahay dalalka Afrika iyo saameynta uu yeelan doonto mashruuca waddada isku isku xiraysa caalamka iyo Shiinaha ee loo yaqaan “China’s Belt and Road Initiative (BRI)”.

 

Previous Post

Dowladda oo 72 saac inuu dalka uga baxo u qabatay sargaal ka tirsan Safaaradda Itoobiya

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo kulan Gaar ah La Qaatay Labada Aqal Ee Baarlamaanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo kulan Gaar ah La Qaatay Labada Aqal Ee Baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo kulan Gaar ah La Qaatay Labada Aqal Ee Baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In