Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 30, 2024
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone.

Ra’iiul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhagaystay Khubarrada ku howlan qorista Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, wuxuuna kormeeray Sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan.

Related posts

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xarunta, waxa uu ka qaybgalay doodwadaag wax ku ool ah oo ay yeesheen Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiirta iyo Ganacsatada kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo ee DanQaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in Qaranka lagu horumariyo.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu intaa raaciyay in dib u eegis lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada Ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in Xukuumadda DanQaran ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Wafdi ka socday Jabuuti

Next Post

Akhriso War-murtiyeed ka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Next Post
Akhriso War-murtiyeed ka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Akhriso War-murtiyeed ka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025
0

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In